Musharaxiinta oo Dalab la xiriira Ciidanka loo qaaday Eritrea u diray Farmaajo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Musharaxiinta oo Dalab la xiriira Ciidanka loo qaaday Eritrea u diray Farmaajo

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay Arrinta dhalinyarada ee loo qaaday dalka Eritrea oo qaarkood la sheegay inay ku geeriyoodeen dagaal ka dhacay Gobolka Tigree-ga ee waqooyiga Itoobiya.

Afhayeenka Musharaxiinta Ridawaan Xirsi Maxamed oo shir Jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in aad uga xun yihiin in dareenka a Hooyooyinka Somaaliyeed ay ka maqan yihiin dhalinyarada lagu tilmaamo mid loo adeegsanayo danno siyaasadeed.

Waxaa uu Afhayeenka Musharaxiinta layaab ku tilmaamay in Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Dubbe uu ka jawaabi waayay su’aal BBC-da ka weydiisay inay jiraan dhalinyaro Soomaali ah oo dalka Eritrea dowladda tababar ugu qaaday, wuxuuna sheegay in arrintaas ay shaki gelineyso Hooyooyinka ay dhalinyarada ka maqan yihiin.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu Afhayeen Ridwaan Xirsi ugu baaqay inuu si dhab ah uga hadlo dhalinyarada tababarka loo qaaday ee la sheegayo in qaarkood lagu laayay dagaalkii ka dhacay Gobolka Tigree-ga.

Si kastaba dowladda Federaalka ayaa beenisay warar maalmihii dambe si weyn baraha Bulshada loogu faafiyey oo lagu sheegay in Ciidamo Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday Eritrea ay ku dhinteen dagaalkii ka dhacay Gobolka Tigree-ga ee dalka Itoobiya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.