Musharaxiinta Mucaaradka oo Shir xasaasi ah Caawa uga socda Muqdisho iyo Xog la helay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Musharaxiinta Mucaaradka oo Shir xasaasi ah Caawa uga socda Muqdisho iyo Xog la helay

Midowga Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ayaa haatan waxaa uu Shir Deg-deg ah uga socdaa hotelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Shirka u socda Musharaxiinta ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka, doorashada iyo hadalkii kasoo yeeray Ra’iisul Wasaare Rooble ee ahaa in wixii hadda kadib la guda geli doona hirgelinta doorashooyinka.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa Jawaab ka bixin doona hadalkii Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ee ahaa inuu fashilmay waan-waantii uu waday iyo eedda uu dusha uga tuuray in dhanka Puntland, Jubbaland iyo dhinacyadii tabashooyinka qabay in aysan wax jawaab ah ka helin.

Shirkaan deg dega ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo Ra’iisul Wasaare Rooble uu Maanta ku dhawaaqay in Xukuumaddu ay go’aansatay in la guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed.

Inta badan xubnaha Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha oo safar ugu maqnaa Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa gelinkii dambe ee Maanta dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.