Musharaxiinta Mucaaradka oo Maanta halis ah ku Eedeyay MW Farmaajo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Musharaxiinta Mucaaradka oo Maanta halis ah ku Eedeyay MW Farmaajo

Midowga Musharaxinta ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo in uu carqaladeynayo wadahadallada midowga Musharraxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

“Waxaase nasiib-darro ah in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/laahi Farmaajo uu si ula kac ah u xagal-daacinayo wadahadallada u dhexeeya Raisalwasaaraha iyo Midowga

“Kaddib markii uu isla-maalintii shirka loo ballansanaa uu ku dhawaaqay shir uusan sharciyad u lahayn u yeeriddiisa, kaasoo uu ku doonayo in uu ku carqaladeeyo wadadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga Murashaxiinta” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay midowga musharraxiinta.

Waxay sidoo kale ka digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta in la fashiliyo wadahadallada u dhexeeyay Ra’iisul Wasaaraha iyo mucaaradka.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen dowladda inay ilaaliso amniga shacabka ka qeybgeli doono dibadbaxyada ay ku dhawaaqeen in Sabtida ay ku qaban doonaan fagaaraha Daljirka Dahsoon.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli shaley Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo midowga musharraxiinta ay kulan ku yeesheen Muqdisho, waxayna ku heshiiyeen in mucaaradka ay qabsadaan dibadbaxyo nabdoon ammaankiisa ay xaqiijiso dowladda.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.