Musharaxiinta Madaxweynaha oo Digniin Culus u diray Madaxweyne Farmaajo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Musharaxiinta Madaxweynaha oo Digniin Culus u diray Madaxweyne Farmaajo

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qoraal u diray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Labada Golle ee Baarlamaanka, Xeer Ilaaliyaha, Hanti-dhowrka iyo Madaxda dawlad Goboleedyada.

Qoraal kasoo baxay Musharaxiinta ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada looga digay Qandaraas shati bixin shidaal oo ay Wasaaradda Batroolka Xukuumadda la gelayso shirkada-Coastline oo horay loo oran jiray Som-Oil iyo shirkada Liberty.

Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay haleen Xog sheegeysa in Wasaarada Batroolka Xukuumadda ay maalmaha soo socda heshiis qarsoodi oo shidaal baaris iyo qodis ah la geli doonto laba Shirkadood oo laga leeyahay dalka dibaddiisa.

Heshiiskaas qarsoodida ah oo Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Soomaaliya ay la geli doonto Shirkaddahaas ayey Musharaxiinta ku tilmaameen inuu baalmarsan yahay sharciga iyo Dastuurka u yaalla dalka.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.