Musharax Madaxweyne Proffesor Ablaal oo kulan miro dhal ah la yeeshay madaxweynaha Galmudug

Read Time:1 Minute, 32 Second

Musharax Madaxweyne  Professor Cabdiraxmaan Macalin Ablaal ayaa kulan miro dhal ah Muqdisho kula yeeshay madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana Labada mas’uul ay kaga wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, doorashooyinka iyo waliba xaaladaha ka jira maamul Goboleedka Galmudug.

Musharax Madaxweyne Proffesor Ablaal ayaa la wadaagay madaxweynaha Galmudug muhiimada ay leedahay in la qabto doorasho hufan oo lagu kalsoonaan karo islamarkaana dadka isku soo taagay lasiiyo xuquuq isku mid ah.

Proffesor Ablaal ayaa la wadaagay mudane Axmad Qoor Qoor bogaadin ku aadan go’aamada waxtarka u leh doorashooyinka wakiilladda Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya oo ay isla qaateen Xubnaha Madasha Qaran 9-kii January, 2022.

Intii uu kulanka socday waxaa sidoo kale ay kawada hadleen xaaladaha Bini’aadanimo ee ka jira Galmudug iyo sidii loogu gargaari lahaa bulshada ay saameysay abaarta.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Ablaal ayaa la wadaagay sidoo kale madaxweynaha Galmudug sida uu muhiimad gaar ah u siinayo hadii xilka madaxtinimo uu ku guuleysto horumarinta deegaanada Galmudug, dhanka waxbarashada, caafimaadka iyo waliba horumarinta iyo kobcinta hay’adaha kala duwan ee Galmudug.

Musharrax Madaxweyne Prof Cabdiraxmaan Macalim Axmed Maxamed (Ablaal), ayaa horay kulamo ula yeeshay qaar ka mid ah madaxda dalka oo uu ka mid yihiin Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda fedraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleeyada Dalka iyo guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Prof Abalaal ayaa u rajeeyay in dalka doorasho nabad ah ka dhacdo, asiga oo uga mahadceliyay waqtiga iyo soo dhaweynta ugu sameeyay.

Prof Ablaal oo ka soo galay Siyaasadda dhanka Waxbarashada ayaa lagu xasuusta wax ka qabashada waxbarashada dalla asiga oo kaalin weyn kulahaa, waa asaasaha Dugsiga Ablaal oo ka mid ah dugsiyada ugu facaweyn ee ku yaalo Muqdisho, waxa uu kale aasaasay Dalladda Waxbarashada tooska ah (Schools Associations

Muqdisho-Somalia

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %