Musharax Madaxweyne Nucmaan Tuure oo kulan la qaatay Madaxweynaha Galmudug

Read Time:43 Second

Musharax madaxweyne Nucmaan Sheekh Cumar Tuure ayaa booqasho ku tagay hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaariye.

Madaxweyne Qoor Qoor iyo Musharax Madaxweyne Nucmaan Sheekh Cumar Tuure ayaa kulankooda waxa ay uga wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, doorashada iyo waliba horumarinta deegaanada maamulka Galmudug.

Mudane Nucmaan ayaa u sheegay Qoor Qoor muhiimada ay u leedahay inuu ka shaqeeyo horumarinta Galmudug maadama ay tahay halka uu ka soo jeedo.

Musharax Madaxweyne Nucmaan Sheekk Cumar Tuure ayaa sheegay inuu kaalin weyn ka qaadan doono dib u dhiska kaaba yaasha kala duwan ee Galmudug, xureynta deegaanada ay heystaan Al shabaab iyo dhisidda goobo waxbarasho iyo caafimaad hadii loo doorto xilka madaxweynaha.

Labada masuul ayaa kawada hadlay sidoo kale xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo waliba arrimaha doorashada waxaana kulankooda uu ku soo dhamaaday jawi isfaham iyo waliba mid taageero.

Muqdisho-Somalia

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %