Musharax Madaxweyne Nucmaan Tuure oo kulan la qaatay Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka

Read Time:48 Second

Musharax Madaxweyne Nucmaan Sheekh Cumar Tuure ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Gudoomiye ku xigeenka Labaad eeBaarlamaanka Golaha Shacabka mudane Cabdulaahi Cumar Abshirow.

Mudane Nucmaan iyo Gudoomiye Abshirow ayaa kawada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan dhameystirka doorashooyinka dalka iyagoo kulankooda diiradda ku saaray muhiimada ay leedahay in Soomaaliya ay yeelato madaxweyne u qalma xiligan adag.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka mudane  Abshirow ayaa bogaadiyay musharaxnimada Nucmaan Sheekh Cumar Tuure isagoo u rajeeyay inuu hanto dalka islamarkaana loo baahanyahay madaxweyne Soomaalida isku wadi kara.

Musharax madaxweyne Nucmaan Tuure ayaa intaas kadib kaga mahadceliyay booqashada uu Gudoomiye Abshirow ugu yimid xaunta ololihiisa ee Hotel Jaziira iyo taageerada uu u muujiyay.

Mudane Nucmaan ayaa ballan qaaday hadii Xildhibaanada ay doortaan in uu ka shaqeyn doono xasiloonimada Soomaaliya, amniga, dib u heshiisiinta iyo in Soomaaliya uu gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Kulamadan ayaa qayb ka ah kulamo maalmahaanba Musharax madaxweyne Nucmaan Tuure la qaadanayay siyaasiyiinta.

Muqdisho-Somalia

Happy
Happy
2 50 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
2 50 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %