Musharax Madaxweyne Nimcaan Tuure oo kulan la qaatay Daahir Gelle

Read Time:57 Second

Waxaa  maanta magaalada Muqdisho kulan kuwada yeeshay Musharax madaxweyne Nucmaan Sh. Cumar Tuure iyo musharax madaxweyne Daahir Maxamuud Gelle.

Kulanka oo ahaa mid la isku wareesanayay arrimaha doorashada dalka ayaa waxaa musharaxiinta ay isla meel dhigeen sidii loogu midoobi lahaa in isbadal weyn uu ku dhaco hogaanka ugu sareeyo dalka.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Daahir Maxamuud Gelle ayaa musharax madaxweyne Nucmaan Sheekh Tuure la wadaagay siyaasadihii qaribnaa ee uu goobjooga u ahaa iyo waliba halgankii laga soo maray in dalka doorasho lagu jiheeyo.

Intii kulanka uu socday waxaa Musharax madaxweyne Nucmaan uu bogaadiyay kaalintii midowga Musharaxiinta ay ka qaateen in dalka uu doorasho galo iyo waliba sidii ay ula dirireen wax walba oo doorashada ka soo horjeeday.

Mudane Nucmaan oo booqasho ugu tagay hoyga uu daganyahay musharax madaxweyne Daahir Gelle ayaa la wadadaagay muhiimada ay leedahay in musharaxiinta isbadal doonka ay isku xernaadaan islamarkaana si wadajir ah loo wajaho halis walba oo doorashada soo food saarto.

Ugu dambeyntii musharaxiinta ayaa isku raacay qorshahaas waxaana mushaarax madaxweyne Nucmaan Tuurre uu kaga mahadcliyay musharax M.weyne Daahir Gelle sida uu u soo dhaweeyay iyo waliba kulanka ay wada qaateen.

Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %