
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Ablaal ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen Cali Guudlaawe.
Mudane Cabdiraxmaan Ablaal iyo madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa kawada hadlay arrimaha doorashooyinka dalka iyo sida doorashooyinka si wanaagsan oo hufan ugu qabsoomi lahayeen, kuwaa oo ahmiyad weyn u leh dawladnimada Soomaaliya.
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Ablaal ayaa sidoo kale madaxweynaha Hirshabelle la wadaagay bogaadinteyda heshiiskii ay dhawaan Xubnaha Madasha Qaran ku gaareen magaalada Muqdishu kaas oo ku aadanaa doorashooyinka wakiillada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya in lasoo dhameystiro iyadoo si cadaalad ah loo qabanayo tartanka.
Intii kulanka uu socday Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Ablaal ayaa usoo bandhigay Madaxweyne Guudlaawe qaar kamid ah qorshayaashiisa siyaasadeed hadii uu ku guuleysto xilka madaxtinimo ee dalka.
Cabdiraxmaan Ablaal ayaa la wadaagay Mudane Guudlaawe iney ka go’antahay inuu ka shaqeeyo horumarinta Hirshabelle iyo kor u qaadista tayada tacliinta ee deegaanada maamulkaas.
Waxa ay sidoo kale labada Mas’uul ka sheekeysteen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyagoo isla meel dhigay in xiligan dalka u baahanyahay samata bixin iyo sida ay muhiimad u leedahay in diiradda la saaro dardar gelinta doorashada Golaha Shacabka si xaaladda cakiran ee dalka looga gudbo.
Musharax Madaxweyne Mudane Cabdiraxmaan Ablaal ayaa sidan oo kale kulan la qaatay qaar kamid ah madaxda maamul Goboleedyada dalka oo uu kala hadlay arrimaha doorashooyinka in dalka lasamatabixiyo xiligan adag isagoo sidoo kale kulan la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ugu dameyntii Madane Cabdiraxmaan Ablaal ayaan uga mahadcelinayaa Madaxweyne Cali Guudlaawe kulankaas qiimaha badan oo ay wada qaateen.
Muqdisho-Somalia