Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Ablaal oo kulan muhiim ah la qaatay Golaha Abwaanadda Soomaaliyeed+Sawirro

Read Time:1 Minute, 39 Second

Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Macalin Ablaal ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho madaxda Golaha Abawaanadda Soomaaliyeed oo ay wehlinayaan qaar kamid ah abwaanadda dalka.

Waxaa kulanka ay wada qaateen madaxweynaha iyo abwaanadda ay kaga wadahadleen arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay wax yaabaha muhiimka ah ee  horutebin u leh dalka iyo dawladnimada Soomaaliyeed.

Mudane Cabdiraxmaan Ablaal ayaa abwaanada u qiray doorka muhiimka ah oo dalka ay kasoo qaateen mudadii uu burbursanaa waxaana uu tilmaamay sida   abwaannada iyo suugaanleyda ay laf-dhabar ugu yihiin soo gudbinta baahiyaha bulshada,  fahmidda dawladnimada iyo wacyigelinta bulshada.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Ablaal  oo kulanka ka warbixiyay ayaa  sheeagy in Abwaanada ay uga war bixiyeen sida ay danaanayeen in Madaxweynaha dalka loo doorto Cabdiraxmaan Ablaal oo door aad u weyn kasoo qaatay dib u dhiska dadka Soomaaliyeed mar uu ka hadlayay waxa uu yiri “Waa ay  ii xog warrameen, ila taliyeen, i goobaabiyeen, ilana dardaarmeyn in haddii uu Illaahey igu guuleeyo Madaxtinimada Soomaaliya aan si ay cadaaladi ku jirto ugu adeego bulshadeyda”https://dfd589185eaa13d67fe681cf80068d04.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html

Abwaanadda iyo musharaxa ayaa kawada hadlay la dagaalanka faqriga, baagamuundada, qabyaaladda, caddaalad-darrada iyo wax kasta oo kala geynaya dadka Soomaliyeed oo aad ugu baahi qaba midnimo iyo wadajir, si ay u horumariyaan dalka,

Dhanka kale waxey isla qaadaa dhigeen ahmiyadda ay suugaanleyda iyo saxaafaddu u leeyihiin bulshada Soomaaliyeed.

“Illaahey idinkiis, dalkuna wuu noo hagaagi doonaa, inaguna waxaan ku dadaali doonnaa  inaan si karti leh ugu hawl-galno hagaajintiisa,Marka hoggaamintu toosto wey fududahay gaartitaan Soomaaliya oo nabad ah, xasillan, barwaaqo ah, caddaalad iyo sinnaana ku naalooneyso|” ayuu yiri musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Ablaal.

Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Abwaannada Somaaliyeed iyo madaxdooda sida naf hurnimada ah ee dalkaan iyo dadkiisa ay ugu adeegaan xilli kasta oo adag.

Aad baan ugu faraxsanahay kulanka aan abwaannada wada qaadanay galabta, kaas oo qeyb ka ah kulamo xiriir ah oo aan la yeelanayo bulshada qeybaheeda kala duwan.

May be an image of 7 people, people standing, people sitting and indoor
May be an image of 5 people, people sitting and indoor
May be an image of 4 people, people sitting and indoor
May be an image of 10 people, people standing, people sitting and indoor
May be an image of 11 people, people sitting and people standing
May be an image of 9 people and people standing
May be an image of 6 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 11 people, people sitting and people standing
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %