Musharax M/weyne Nucmaan Tuurre oo u hambaleyay M/weyne Axmad Madoobe,baaqna u diray DFS

Musharax M/weyne Nucmaan Tuurre oo u hambaleyay M/weyne Axmad Madoobe,baaqna u diray DFS
Read Time:57 Second

Musharax Madaxweyne Nucmaan Sheekh Cumar Cismaan oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee dalka ugu soo shaqeeyay siyaabo kala duwan ayaa ka hadlay war saxaafadeed uu soo saaray waxa uu kaga hadlay doorashada madaxtinimo ee ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamul Goboleedka Jubbaland.

Musharax madaxweyne Nucmaan Tuure ayaa soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha Jubbaland ee Axmad Maxamed Islaam Axmad Madoobe waxaana uu u diray dhambaal tahniyad ah.

Waxaa mudane Nucmaan uu sidoo kale u soo jeediyay dowlad goboleedyada kale iney qabtaan doorashooyinkooda, isaga oo ugu baaqay dowladda Federalka ineysan maamul Goboleedyada ka hor istaagin.

“  In maamul Goboleedyada ay sii ahaadaan sharci la’aan ama dowladda ay u sii afduubnaadaan waxey mugdi gelineysaa Geedi socodka dowlad dhiska dalkeena, waxaana madaxda dalka ugu baaqeynaa iney ixtiraamaan hanaanka Federalka dalkeena” ayu uku yiri war saxaafadeed uu soo saaray musharax madaxweyne Nucmaan Sheekh Cusmaan Tuurre.

Ugu dambeyn Musharax madaxweyne Mudane Nucmaan Tuurre waxa uu madaxda dalka ugu baaqay inuu dhageysto baaqyada kala duwan ee loo jeedinayo islamarkaana waxa uu saamileyda siyaasadda ka dalbaday in la isugu imaado shir looga tashanyo ayaayaha siyaasadda dalka.

Hoos ka akhriso war saxafadeedka Musharax Madaxweyne Nucmaan Tuure

About Post Author

A warsame

Mareeg news Editor at large he can be contacted by news@mareeg.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %

Average Rating

5 Star
0%
4 Star
0%
3 Star
0%
2 Star
0%
1 Star
0%

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *