Muuse Biixi oo Cafis u fidisay Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Somalia

Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland waxaa gaaray Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar, kadib markii cafis u fidisay Xukuumada Soomaaliland.

Sida aan Wararka ku helnay maamulka Somaliland gaar ahaan Madaxweynaha maamulkaasi Muuse Biixi ayaa cafis u fidiyay siyaasigan horey xilal kala duwan uga soo qabtay Dowladii KMG aheyd.

Siyaasiga Maxamed C/llaahi Oomaar oo sidoo kale soo noqday Ra’isul Wasaare ku xigeen ayaa la sheegay in uu ka tanaasulay aragtidiisii Soomaali weyn hadana uu taageersan yahay qadiyada madax banaanida Soomaaliland.

Ma ahan Siyaasigii ugu horeeyay ee xil sare kasoo qabta dowlada Soomaaliya ee dib ugu laabta Hargeysa kana laabta aragtidooda Soomaali weyn, waxaa sidan oo kale horey ugu laabtay Hargeysa Ismaaciil Hurre Buubaa iyo siyaasiyiin kale oo caan ah.


Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com