Mareeg Media
Somalia

Muranka Gobolka Banaadir ma Baadbaa ?!

Soomaaliya waxa ay ka koobantahay 18 Gobal, 17-Gobal lahaanshiyooda wax su’aal ah kama taagna, laakin waxaa jira hal Gobal oo su’aal la geliyo lahaanshiyihiisa, Gobalkaas mataqaan..? Waa Gobalka Banaadir, Waa Gobalka kaliya ee lahaanshiyahiisa dood ay ka taagantahay, mana jirto cid si gaar ah u leh, sida ay dad badani ku doodayaan.

Bal qofka Soomaaliga ah ee sidaas aaminsan maskax nuuce ah ayaa hageysa, ma xaasidnimo ayay ka tahay, ma caqli yari ayey ka tahay mise hunguri weynin, caqliyadeena yar uma dul qaadan karto “kaaga kula lihi kaygana anigaa iska leh”.

Haddii su’aal la gelinayo lahaanshiyaha Gobalkaan, sidoo kale waa in 17-Gobal ee kale dib loogu noqdaa lahaanshiyahooda iyo sababta ay dad gaar ah u yeesheen.!

Soomaaliya maantay waxa halkaan dhigay waa dulmi, is xaqiraad iyo sad bursi, wallaahi in aana maantay leesugu soo dhawaaneynin sida wax ku socdaan in lagusii kala fogaado mooyaane.

Qoraalkeyga waxaan kusoo geba-gebaynayaa haddii la rabo in ay soomaalidu wax kasto ku qeybsato sida ay u dhalatay cid diidani ma jirto laakiin waxaan qaadan weynay haddii aan nahay Reer Gobalka Banaadir, Gobalkeyga wax kama naqan kartid, kaagana waan ka naqanayaa.

FG: Anigu Caasimad kama hadlin, Gobalka Banaadir ayaan ka hadlayaa.

Qore Libaan Lamaane.

FG. Aragtidan waxeey gaar u tahay Qoraaga ku saxiixan .

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!