Muran cusub: Jaziira annaga ayaa leh iyo annagaa leh!!! * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muran cusub: Jaziira annaga ayaa leh iyo annagaa leh!!!

Mareeg.com: Muranka la xiriira xuduudaha maamul goboleedayada dalka Soomaaliya ayaa ka qarxay deegaanka Jazeera ee duleedka Koonfur Galbeed ee Muqdisho.

Halkaas, waxaa isku heysta maamulka gobolka Banaadir iyo maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Shalay waxaa wasiirka ganacsiga maamulka Koonfur Galbeed, C/llaahi Sheekh Xasan uu boor suray meel ka mid ah deegaanka Jazeera halkaasoo uu sheegay iney tahay soohdinta Banaadir iyo Koonfur Galbeeda.

Ciidamo farabadan oo ay horkacayaan Gudoomiyaha Degmada Wadajir iyo Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shalay bur buriyay goobtaas ay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya u calaamadeeyeen in ay tahay xadka ay wadaagaan Gobolka Shabeellaha Hoose oo ka tirsan maamulka Koonfur Gaalbeed iyo Gobolka Banaadir.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in deegaanka Jaziira ay ka tirsan tahay degmada Wadajir ee Gobokka Banaadir, waxa ayna sheegeen dhismaha ay dumiyeen in ay halkaasi ka sameeyeen maleeshiyaad is aruursaday sida ay hadalka u dhigeen.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Xasanayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banadair ay wadaan daan daansi iyo dagaal hurin .

Waxa uu tilmaamay Wasiirka in Maamulka Gobolka Banaadir si dulmi ah u bur buriyeen astaanta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee laga suray Deegaanka Jaziira, waxa uuna intaa raaciyay in deegaankaasi uu katirsan yahay Gobolka Sh/Hoose.

‘’Maamulka Gobolka Banaadir waxa ay wadaan gardaro muuqata iyo daan daansi dagaal, waxaana ka codsaneynaa Dowlada Federaalka Soomaaliya in ay arintan wax ka qabato ‘’ ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed.

Arrintaan cusub ee khilaafka ah ayaa muujineysa in maamul goboleedyada dalka ka jira aysan ku heshiin karin xuduuda, iyadoo horay muran xoogan uga jiray gobolka Mudug oo qaab qabiil loo kala jaray.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!