Muqdisho: Maalinta milateriga Somalia oo la xusayo

Read Time:33 Second

Mareeg.com: Waxaa maanta Muqdisho iyo magaalooyin kale ka dhacaya xuska maalinta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ee 12-ka April.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey waxaana la xiray inta badan waddooyinka muhimka ah ee magaalada, iyadoo ciidamo farabadan lagu soo daadiyey jidadka.

Waxaa la xiray waddooyinka Maka Almukarramada, Wadnaha, 30-ka iyo wadooyin kale oo badan, waxaana saaka dad badan ku adkaatay iney gaaraan goobahooda shaqada ama waxbarashada.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya oo uu ugu horreeyo madadxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa iney ka qeybgalaan munaasabaddaas.

Ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa iyagana la filayaa iney soo badnhigaan awoodooda ciidan, iyagoo dhawaan gaadiid ka helay dalal taageera ciidamada Soomaaliya.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.