Muqdisho: Xus ballaaran oo dumarku u sameeyeen Maalinta 8-da Maarso (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Xus ballaaran oo dumarku u sameeyeen Maalinta 8-da Maarso (Sawirro)

Muqdisho – Mareeg.com: Munaasadan lagu weyneynayay maalinta haweenka adduunka 8-da Maarso oo ay soo qaban qaabisay Ururka horumarinta Haweenka (IIDA) ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday ururka haweenka qaranka, ururro u dhaq dhaqaaqa xaquuqda haweenka iyo haween ganacsato ah, taasi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah haweenkii ka qeybgalay munaasabada oo hadalo ka jeediyay ayaa tilmaamay ahmiyadda maanta oo kale ay u leedahay haweenka adduunka, gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed, iyadoo munaasabadan hal ku dhig looga dhigay, “Nabadda ayaa dadka wada deeqda sidaa darteed umadda Soomaaliyeed yar iyo weyn waa inay ka shaqeeyaan nabadda”

Duniyo Maxamed oo ka mid ah howlwadeenada ururka horumarinta haweenka (IIDA) oo munaasabada xuska maalinta haweenka adduunka hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed looga fadhiyo sidii ay dowladdu gacan ugu siin lahaayeen ka shaqeynta howlaha lagu sugayo amniga iyo horumarinta dalka.

Sahro Cumar Maalin oo ka mid ah haweenkii kulanka ka qeyb galay ayaa ka sheekeysey qiimaha manta oo kale dunida ay ka leedahey, gaar ahaan haweenka ay u leedahay, ayadoo tilmaamtay in dumarka Soomaaliyeed looga fadhiyo in ay dowladda kala shaqeeyaan sugidda amniga dalka.

Canab Xasan Cilmi guddoomiye ku-xigeenka ururka haweenka qaranka ayaa tilmaamtay in haweenku ay 23-kii sano ee la soo dhaafay ay ka qeyb qaateen ka shaqeynta iyo horimainta dalka.

Dhanka kale, munaasabad ballaaran oo si weyn loo soo agaasimay, laguna maamuusayay Maalinta haweenka aduunka ee 8-da Maarso ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, iyadoo Ururada haweenka degmooyinka, booliska, asluubta, Fanaaniinta iyo Isboortiga ay socod ku mareen wadooyinka iyagoo watay boorar.

Munaasabadan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa waxaa gacan ka geysatay Hey’adda CCD, waxaana ka soo qeyb galay Marwada Madaxweynaha Soomaaliya, Wasiirada Haweenka, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, saraakiisha ciidamada qalabka sida, Gudoomiyeyaasha 17-ka degmo iyo ururada haweenka degmooyinka.

Xarunta Gaadiidka Booliska oo ay isugu soo aruureen Haweenka Soomaaliyeed ee maamusayay maalinta ku weyn Haweenka Aduunka ee 8-da Maarso hidaha iyo dhaqanka, suugaan kala gedisan, guurow, gaada ka ciyaar, waxaana Kooxda Muusikada ee Baambeyda Qaranka ay garaacayeen muusikada iyo astaanta calanka Jamhuuriyada Soomaaliya.

Marwada Madaxweynaha, Wasiirada Haweenka Drs Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa waxay Ciidamada booliska iyo kuwa Asluubta ay ka qaateen salaan sharaf.

Wasiirada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Drs. Khadiijo Maxamed Diiriye oo gaba gabadii ka hadashay munaasabada ayaa waxay hambalyo guud u dirtay dhamaan haweenka Soomaaliyeed, iyadoo ugu hambalyeysay maalinta Haweenka Aduunka ee 8-da Maarso.

“Haweenka Soomaaliyeed oo ah laf dhabarka bulshada, waxaan dhamaan meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeynayaa maalinta 8-da Maarso, oo ah maalin qiimo weyn ugu fadhida haweenka, waxaan u rajeynayaa haweenka Soomaaliyeed in sanadkan kiisa kale ku gaaraan nabad, barwaaqo, caafimaad iyo midnimo”ayay tiri Drs. Khadiijo Maxamed Diiriye.

Maalinta haweenka aduunka ayaa sidoo kale laga xusay qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka Soomaaliya, hase ahaatee xuska ugu weyn ayaa ka dhacay Muqdisho.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!