Muqdisho, Mareeg.com: Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa salaadii Jimcaha kadib u geeriyooday qarax sida loo badiyey loogu xiray gaarigiisa.
Gaariga xildhibaanka ayaa ku qarxay agagaarka madaxtooyada Villa Soomaaliya, xilligu gaarigu sii gelayey madaxtooyada Soomaaliya, sida uu sheegay xildhibaan Siidow Abaadir.
Xildhibaan Siidow ayaa sheegay iney qaraxaas ay ku dhaawacantay haweeney la socotay xildhibaanka oo iyadu aheyd xildhibaan hore.
Xildhibaanka maanta qaraxa lagu dilay oo lagu magacaabo Feysal Maxamed Guuleed ayaa dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaalka, hase ahaatee dhaawacii ayuu u geeriyooday sida dowladda Soomaaliya xaqiijisay.
Ma ahan markii u horeysay ee qarax loogu xiro Mudane ka tirsan Baarlamaanka, bishii July ee sanadkii 2013 ayay aheyd markii Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer uu ka bad baaday qarax gaarigiisa loogu xiray oo ka dhacay degmada Xamar Weyne.
Sidoo kale, bishii July ee sanadkii 2012 ayaa degmada Xamarweyne qarax gaarigiisa lagu xiray lagu dilay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdi Ibraahim “Garweyne”.
Mareeg.com