Muqdisho: Xildhibaan lagu dilay qarax gaari & mid kale oo dhaawacmay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Xildhibaan lagu dilay qarax gaari & mid kale oo dhaawacmay

Muqdisho – Mareeg.com: Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu dilay qarax miino oo loogu xiray gaarigiisa, xilli uu marayey degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka qaraxa ku dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Isxaaq Maxamed Cali, waxaana islaqaraxaas ku dhaawacmay xildhibaan kale oo lagu magacaabo Maxamed Cali Dhuux iyo 2 qof kale oo rayid ah.

Dhimashada xildhibaan Isxaaq Maxamed Ibraahim iyo dhaawaca xildhibaan Cali Dhuux waxaa warbaahinta u xaqiijiyey gudoomiyaha cusub ee degmada Xamarweyne, C/qaadir Maxamed C/qaadir.

Gudoomiyaha degmada Xamarweyne ayaa sheegay inuu socdo baaritaan lagu ogaanayo ciddii ka dambeysay weerarka qaraxa ah eel ala beegsaday labada xildhibaan.

Dilka xildhibaankan ayaa kusoo beegmay xilli maalintii labaad uu Mqudisho ka socdo shir looga halayo amaanka dalka, kaasoo ay ka qeybgelayaan dad ka kala yimid dalka gudihiisa iyo debaddiisa.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.