Muqdisho: Xildhibaan ka tirsan maamulka Punland oo la dilay

Read Time:35 Second

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa goor dhow lagu dilay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, xilli uu la socday gaari.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaanka oo lagu magacaabayay Aadan Xaaji Xuseen uu maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Dabley hubeysan oo wadatay gaari ayaa rasaas ku furay Xildhibaanka ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland, agagaarka Xaafada Taleex ee degmada Hodan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Xildhibaankan la dilayay uu arrimo caafimaad u yimid magaalada Muqdisho, waxaana la sheegayaa inuu la socday Xildhibaan kale oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya.

xildhibaan

Dilkan ayaa noqonaya kii u horeeyay oo Muqdisho loogu geysto Xildhibaan ka tirsan Puntland, iyadoo sanadkan labo Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya lagu dilay Qarax ka dhacay Hotelka Central bishii Febraayo

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %