Muqdisho: Xildhibaan hore oo maanta lagu dilay Suuqa Bakaaraha * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Xildhibaan hore oo maanta lagu dilay Suuqa Bakaaraha

Mareeg.com: Dableys bastoolado hubeysnaan, ayaa maanta waxay Suuqa Bakaaraha ku dileen Xaaji Cali Aadan oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaankii KMG ahaa, xee lagu soo dhisay dalka Kenya.

Sida wararku sheegayaan dilka ayaa dhacay xilli Xaaji Cali Aadan dhex maraayay qaybta Cabdalla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha.

Raggii dilka geystay, ayaa baxsaday halkii ay dilka ka geysteen, waxaana xoogaga Nabad Suggida iyo Booliska oo ku baxay goobta ay saameeyeen baaritaan.

Xaaji Cali Aadan oo nin oday ahaa, ayaa waxa uu muddooyinkan dambe ku noollaa guri ku yaala agagaaraha Suuqa Cabdalla Shideeye ee magaalada Muqdisho.

Alshabaab ayaa si isku mid ah u beegsaday mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa horay xilalka uga soo qabtay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!