Muqdisho: Xerada Ciidamada Jazeera Oo Lagu Dhaariyey Kun Askari Oo Dhawaan La Tababaray

Read Time:1 Minute, 36 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Ilaa 1000 askari oo ka tirsan milateriga Soomaaliya oo dhawaan tababar ugu dhamaaday xerada Jazeera ee magaalada Mqudisho ayaa manta la dhaariyey.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiim Faqi, oo ay wehliyeen Ku Xigeenkiisa Gen. Axmed Maxamuud Carab, Taliyaha Ciidamada Xooogga dalka S. Guuto Daahir Aaden Cilmi, Abaanduulaha ciidamada xooga dalka S.Guuto C/risaaq Khaliif Cilmi iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada milateriga iyo AMISOM ayaa maanta xarunta Tababrka Ciidamada ee Jazeera uga qeybgalay munaasabadda lagu dhaarinayay laguna qalabeynayay Ciidamadaas.

Ciidamada manta la dhaariyey ayaa sida wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya sheegtay ah, kuwii ugu horeeyey ee lagu tababaray gudaha dalka kuna biiray Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya.

Gen. C/risaaq Khaliif Cilmi Abaanduulaha Ciidamada XDS oo munaasbadda ka hadlay ayaa xusay in la diyaariyay lana soo gebagebeeyay Buug ka hadlaya shuruucdii lagu hagayay Anshaxa Ciidamada Xoogga dalka islamarkaana ay muhiim tahay in Askari kasta ee ka tirsan Xoogga dalka uu ka dhabeeyo dhaartii uu madaxda hortooda ku dhaartay Ilaahna uga baqo wax kasta ee dhibaato u keeni kara sharafta ciidamada Qalabka sida iyo Ummadda.

Gen. Daahir Aden Cilmi, Taliyaha Ciidamada XDS oo isna khudbad u jeediyay Askarta maanta la dhaariyay ayaa tilmaamay in Askarta looga baahanyahay inay kalsooni ka helaan Shacabka Soomaaliyeed oo ay u adeegayaan isagoo farta ku fiiqay in askari kasta uu xafido sirta Ummadda iyo Qalabka uu ku aaminay Qarankooda.

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. Axmed Maxamed Carab ayaa codsaday in askarta ay ku dedaalaan sidii ay magaca ummadda soomaaliyeed u dhowri lahaayeen laguna fikiro mar kasta sidii danahaooda gaarka ah ay uga horumarin lahaayeen Danta Guud.

Ugu Dambeyntii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiim maxamuud Faqi oo munaasbadda soo xiray ayaa khudbaddiisa ku sheegay in Alshabab ay cadow ku yihiin Ummadda soomaaliyeed waxa kaliya ee lagu dabarjari karana ay tahay Awoodda ay leeyihiin Ciidamada Qalabka sida waxa uuna ku dhiirageliyay ciidamadan inay ka qeyb qaataan Dedaallada lagu xoreynayo Gobollada ay haatan ku suganyihiin Alshabab.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %