Muqdisho: Xeer Ilaaliyeyaal tabar 6 bil ah loo soo xiray * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Xeer Ilaaliyeyaal tabar 6 bil ah loo soo xiray

Mareeg.com: Wasiirka cadaaladda Soomaaliya, C/llaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) ayaa Muqdisho tababar ugu soo xiray 17 Xeer Ilaaliye oo muddo 6 bilood ah tababar la siinayey.

Munaasabadda xirirtaanka tababarka waxaa goobjoog ka ahaa Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka, Axmed Cali Daahir, ku xigeenkiisa, gudoomiyaha maxkamadda Racfaanka Xasan Wariiri, gudoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Xaashi Cilmi iyo xubno kale.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Axmed Cali Daahir oo munaasabadda ka hadlay ayaa tilmaamay in xeer ilaaliyaasha la tababaray ay u adeegi doonaan dadka iyo dalka Soomaaliya, maadaama loo baahan yahay cadaalad.

Wasiirka cadaaladda Soomaaliya, C/llaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) ayaa Xeer Ilaaliyaasha la tababaray oo isugu jiray rag iyo dumar kula dardaarmay iney cadaalad ugu shaqeeyaan bulshada Soomaaliyeed.

Hanaanka garsoorka Soomaaliya ayaan weli isku toosin waxaan weli muran ka taagan yahay Golaha Adeega Garsoorka oo kii hore la kala diray mid cusubna aan weli lasoo dhisin.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.