Muqdisho: Xeer Ilaaliyaha iyo Hanti Dhowrka Qaranka oo baarlamaanka la hadlay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Xeer Ilaaliyaha iyo Hanti Dhowrka Qaranka oo baarlamaanka la hadlay

Mareeg.com: Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta su’aallo weydiiyay xeer ilaaliyaha guud iyo Hanti dhowrka Qaranka, Axmed Cali Daahir iyo Hanti Dhowrka Qaranka Nuur Faarax, kaddib markii looga yeeray kulankii baarlamaanka.

Su’aalaha iyo doodda Baarlamaanka ee maanta ayaa waxa ay ku qotomeen sharci ahaanshiyaha qoraal dhawaan si wada jir ah uga soo baxay xafiisyada xeer ilaaliyaha guud iyo Hanti dhawrka Qaranka oo ka hor imaanayo qodobo ku qoran dastuurka dalka, waxaana Xildhibaannadu ay ka dalbadeen in ay raali gelin ka bixiyaan qoraalka ay soo saareen.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir ayaa Baarlamaanka ka hor sheegay in ay jiraan baaritaanno ay sameeyeen lagu ogaaday in hay’ado badan ay sameeyeen musuq maasuq, dhawaana la horgeyn doono maxkamadda.

“Xafiiska hanti dhowrka iyo xafiiska xeer ilaalinta waxay baaris ku soo gaba gabeeyay 19 wasaaradood iyo saddex hey’adood, waxaa hartay sideed wasaaradood, 19 wasaaradahaas mid aan ku sugnaan ama aanay ka jirin haba yaraatee musuq maasuq baahay, kuwaasoo dhameystiran ayaa ku heynaa musuq maasuqooda oo ay ugu weyn yihiin ku takri fal hantiyadeed iyo mid awoodeed”ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

Hanti dhowrka guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax oo isna Baarlamaanka ka hor hadlay ayaa sheegay in xafiiska hanti dhowrka guud uu ka madax banaanyahay dhinacyada siyaasadaha ee dalka.

Baaritaano lagu sameeyay sagaal iyo toban wasaaradood ayaa dhamaaday, waxaana baaritaan uu ku socdaa lix kale. Eedaynmaha musuqmaasuqa ayaa la filayaa inay soo baxaan.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!