Muqdisho: Xaafadaha Juungal Iyo Carafaat Oo Saaka Laga Taxaabay Dad Farabadan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Xaafadaha Juungal Iyo Carafaat Oo Saaka Laga Taxaabay Dad Farabadan

Muqdisho – Mareeg.com: Ciidamada booliska iyo Nabadsugidda Soomaaliya ayaa saaka howlgal ballaaraan ka sameeyey qeyb ka mid ah xaafadaha Juungal iyo Carafaat ee degmada Yaakhshiid ee magaalada Muqdisho.

Dad degan xaafadahaas ayaa saaka soo toosay iyadoo ay albaabada ka taagan yihiin ciidamo farabadan oo wata gaadiidka dagaalka iyo gawaarida shabaqlayaasha ah ee dadka la qabto lagau qaado.

Howlgalka ciidamadu saaka ka sameeyeen degmada Yaakshiid ayaa yimid kadib markii xalay halkaas lagu dilay qof rayid ah oo ka mid ah dadka deegaanka.

Goobjooge degan Juungal ayaa Mareeg Media u sheegay in la qabtay dad farabadan oo ka mid ah dhallinyarada xaafadda uu degan yahay.

Laamaha amaanka dowladda federaalka Soomaaliya kama hadlin cidda lagu qabtay howlgakaan.

Howlgalka ciidamadu saaka ka sameeyeen degmayada Yaakhshiid ayaa kusoo beegmay xilli shalay galab agagaarka SOS lagu weeraray ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!