Muqdisho: Weriye ku dhintay qarax lagu xiray gaari uu watay

Muqdisho – Mareeg.com: Wariye Yuusuf Axmed Abuukar Keynaan ayaa saaka qarax loogu siray gaarigiisa   ku geeriyooday, degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir.

Warihaya ayaa ahaa Tafatiraha Idaacada Mustaqbal ee Magalaada Muqdisho, waxaana uu ka soo baxay guriga uu ka daganaa magaalada Muqdishi, asagoona ku soo jeeday Xarunta Shaqada.

Yuusuf Abuukar Keynaan ayaa waxaa uu ka mid ahaa Wariyaasha Caanka ka ah Magaalada Muqdisho, kaas oo soo shaqeynayey tan iyo Xiligii Maxaakiimta Islaamka ay qabsadeen Magaalada Muqdisho.

Gaariga uu watay weriyahan ayaa ku qarxay inta u dhaxeya Hotel Muna iyo Bacadlihii hore ee Xamarweyne.

Qaraxyada nuucaan ahaa ayaa horay dhowr jeer uga dhacay Muqdisho, iyadoo lagu dilay xildhibaano iyo dad kale, waxaana qaraxaan oo kale todobaadkii hore uu ka dhacay gaari uu lahaa mid ka mid ah dhaqaatiirka Isbitaalka Keysaney, iyadoo uu ku dhintay hal ruux.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245