Muqdisho: Wasiirrada Soomaaliya oo isku raacay in la furo qaar ka mid ah wadooyinka xiran * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Wasiirrada Soomaaliya oo isku raacay in la furo qaar ka mid ah wadooyinka xiran

Muqdisho – Mareeg.com: Shir aan caadi aheyn oo shalay galab Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirada Soomaaliya ayaa lagu go’aamiyey in la furo qaar ka mid ah wadooyinka arrimaha amaan u xirnaa ee ee caasimadda.

Kulanka aan caadiga aheyn oo uu shir gudoominayey waxaa sidoo kale looga hadlay xariga habeen hore booliska Kenya Nairobi ugu geysteen qunsulka safaraadda Siyaad Maxamuud Shire, kaasoo weliba boolisku ka qaateen aqoonsigii watay, dabadeedna dad shacab ah oo lasoo xiray gaari la saareen.

Wasaaradaha Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Saciid Qoorsheel, Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Nadiifo Maxamed Cusmaan iyo Amniga Qaranka C/kariim Xuseen Guuleed ayaa golaha usoo jeediyay in shacabka ku dhaqan Muqdisho ay dhibaatooyin kala kulmaan qaar kamid ah wadooyinka muhimka u ah.

Glaha wasiirada ayaa isku raacay in la furo wadooyinkaas marka laga reebo wadooyinka qaar oo laga sugayo in wasaarada amnigu talo ka bixiso qaabka ugu haboon ee loo furayo. Lama sheegin magacyada madooyinka hadda la furayo iyo kuwa dib loo dhigay.

Sidoo kale Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya isku raacay xariga Diplumaasiga iyo dhibaatooyinka kale ee dadka Soomaaliyeed kala kulmaan dalka Kenya ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya war cad kasoo saarto.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa kulankii shalay ee baarlamaanka ka sheegay in xariga Kenya u geystay dublmaasiga Soomaaliyeed uusan aheyn mid la aqbali karo, sidaas dared xukuumadda war cad kazoo saarto.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!