Wasiir hore oo gargaar caafimaad ka codsaday Dowladda Somalia * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiir hore oo gargaar caafimaad ka codsaday Dowladda Somalia

Mareeg.com: Wasiirkii hore ee caafimaadkii xukuumaddii KMG aheyd ee uu R/wasaaraha ka ahaa Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo ku xanuunsanaya Muqdisho ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya iney u qaaddo caafimaad debadda ah.

Dr. Aadan Xaaji Ibraahim oo xilligii Farmaajo noqday wasiirkii caafimaadka oo uu hayo xanuun xagga beerka ah, islamarkaana ku jira Isbitaalka Reccep Tayib Erdogan (Digfeer) ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya iney ku caawisyo in loo qaado isbitaal debadda ah, maadaama uu yahay wasiir soo qabtay shaqo qaran.

Dhaqaatiirtka Isbitaalka Reccep Tayib Erdogan (Digfeer) ayaa la sheegay iney ku wargeliyeen Dr. Aadan Xaaji Ibraahim inuu u baahan yahay isbitaal debadda oo ka qalab iyo dawo sarreeya kan uu hadda ka jiifo Muqdosho.

Wasiirkaan hore ayaa la sheegay iney isbitaalka uu hadda jiifo geeyeen Ururuka dhaqaatiirta Soomaaliyeed, waxaana dowladda Soomaaliya laga sugayaa iney codsigaas ka jawaabto.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!