Muqdisho: Warbaahinta oo laga mamnuucay tebinta waraka Alshabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Warbaahinta oo laga mamnuucay tebinta waraka Alshabaab

Mareeg.com: Hay’adda Nabadsugidda gobolka Banaadir ayaa manta soo saartay amar warbaahinta looga mamnuucayo iney baahiyaan codadka mas’uuliyiinta Alshabaab.

Kulan ka dhacay maanta Muqdisho ayaa waxa iskugu yimid qaar ka mid ah Madaxda Warbaahinta Soomaalida iyo Taliska Hay’ada Nabad Sugida Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Hay’ada Nabad Sugida Gobolka Banaadir, Maxamed Aadan Koofi iyo Kuxigeenkiisa C/fitaax Shaawe ayaa maanta ku amray warbaahinta magaalada Muqdisho in aysan sii deyn karin Wararka ku saabsan Al-Shabaab iyo codadka madaxdooda.

Sidoo kale Taliska Hay’ada Nabad Sugida Gobolka Banaadir waxay wakiilada warbaahinta dibada ujooga Muqdisho iyo kuwa gudaha ku amreen inaysan ka hadli karin howlgalada inta uusan Afhayeenka Laamaha Amniga shir jaraa’id ku faah faahin.

Xubno katirsan Wariyaasha kulanka joogay oo damcay in ay su’aalo arimahan ka weediiyaan Taliyaasha amarka bixiyay ayaa la sheegay in aan warkooda la dhageesan.

Wariyaasha ayaa sidoo kale madaxda talisa nabad sugidda ka dalbaday iney soo saaraan qoraal rasmi ah oo lagu mamnuucayo wararka Alshabaab, hase ahaatee labada mas’uul ayaa arrintaas ka gaabsaday.

Wariyeyaashii ku sugnaa kulankaasi ayaa waxay markaas kadib u tageen wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mustaf Shiikh Cali Dhuxuloow iyagoo u bandhigay amarka Hay’ada Nabad Sugida Gobolka Banaadir kasoo baxay, kaasoo la sheegay inuusan waxba kala socon arrintaas.

Shalay ayay aheyd markii golaha wasiirada Soomaaliya ansixiyeen Hindise Sharciyeedka Saaxafaada dalka, waxaana qaar ka mid ah wariyaashu ka cabsi qabaan inuu xanibaad u keeni doono shaqadooda.

Mareeg Meida

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!