
muqdisho ( Mareeg News ) Duhurnimadii maanta ayaa Wiil 10 jir ah Oo Schoolka U socday cirbid ku dureen Rag aan lagaran heeybtooda.
wiilka oo u socday School ku yaala Dagmada yaaqshiid Ayeey wararku sheegayaan in Lagu duray cirbad.
macalimiinta schoolka ayuu u sheegay in nin qoorta wax uga duryay uuna xanuun dareemaayo, Macalimiinta ayaa soo fasaxay wiilka.
Dhibanaha oo Reerkiisa wareesteen ayaa ka sheekeeyay sida loo duray ayaa walidka u sheegay in ninka garabka uu ka qabsayay kadibna Uu Ku Dhawaaqayay “schooleey” waxuuna sheegay inuuna ka fileeynin in Cirbad Uu ku duraayo.
waalidka wiilka oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay in wiilka hada fiicanyahy lakin barrar dhanka qoorta uu ka jiro.
sedax todobaad ka hor ayeey eheed kadi markii wiil bajaaj le ah isgooska tarabuunka ay haweyneey kula durtay cirbad kasoo markii cisbitaalka la geeyay dhaqaatiirta sheegeen In Lagu duray Cudurka HIV , widiinta wiilkan ayaa noo xaqii jiyay in wiilkooda uu hada fcnyahay Berina ay ku sameen donaan baaritaan.
arimahan ayaa Ugub ku ah magaalada muqdisho lamana oga waxa ay salka ku hayaan.