Muqdisho: Taksiile lagu dilay xaafadda Juungal oo laga qaatay gaarigii uu watay

Muqdisho – Mareeg.com: Nin taksiile ah ayaa shalay lagu dilay xaafadda Juunagl ee degmada Yaakhshiid, iyadoo laga qaatay gaarigii uu watay.

Lama garanayo cidda dishay ninkaan Taksiilaha ah iyo sababta loo dilay, hase ahaataa wararka ayaa sheegaya in dadka dilay ninkaan ay wateen bastoolado.

Dad ehel la ah ninkaan la dilay ayaa Mareeg u sheegay in ninkaas laga kireystay gaariga, kadibna markii la geeyeey gudaha xaafadda Juungale la toogtay kadibna laga qaatay gaarigii uu watay.

Falkaan nuucaan ah ayaan muddo ka dhicin Muqdisho, iyadoo booliska iyo nabadsugiddu baaritaan ku hayaan cidda falkaas geystay.

Mareeg.com

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245