Muqdisho – (Mareeg.com): Shil gaari oo maanta ka dhacay wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimasho iyo dhawwac.
Labo ruux ayaa geeriyootay, sadex kale oo midi haweenay tahayna wey dhaawacmeen kadib markii gaari weyn uu bareega goostay, islamarkaana ku dhacay gaari yar, dabadeedna usii gudbay gidaar guri.
Shilkaan ayaa ka dhacay meel ku dhow Masjidka Macallin Biimaalow ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku badan yihiin gaadiidka xamuulka ah ee dekadda ka yimaadda iyo gaaadiidka yaryar intaba.
Qof goobjooge ah ayaa sheegay in dadka geeriyooday ay gaarayaan ilaa labo ruux, waxaana goobta gaaray ciidamada Ilaalada wadooyinka iyo booliska degmada Howlwadaag.
Wadaha gaariga ayaa la sheegay inuu ku dadaalay sidii uu u yareyn lahaa khasaaraha, isagoo gaariga ka leexiyey wadada islamarkaana ku dhuftay gidaar guri.
Gaarigaan xamuulka waday ayaa la sheegay inuu kasoo baxay dekada weyn ee Magaalada Muqdisho, kuna siijeeday Suuqa Bakaaraha.
Mareeg.com