Muqdisho: Shaqaaqo labo qoys ku dhexmartay Towfiiq oo lagu dilay wiil iyo hooyadiis * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Shaqaaqo labo qoys ku dhexmartay Towfiiq oo lagu dilay wiil iyo hooyadiis

Muqdisho – Mareeg.com: Fal naxdin leh ayaa xalay ka dhacay xaafadda Towfiiq, degmada Yaakhshiid ee magaalada Muqdisho, iyadoo falkaas ka dhashay isku dhac dhex maray labo qoys oo deris ah.

Shaqaaqada dhexmartay labada qoys waxaa ku dhintay wiil dhallinyaro ah iyo hooyadiis, waxaana labadaas qof toorrey ku dilay nin ka mid ah qoyska kale.

Sida uu Mareeg Media u sheegay Axmed Maxamuud oo ehel la ah qoyska dadka laga dilay, dhibkaan ayaa dhacay kadib markii labada qoys shaqaaqo dhexmartay, taasoo keentay in la adeegsado baangado iyo toorreeyo.

Wiilka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Sandheere, wuxuuna ka mid ahaa mas’uuliyiinta xawaaladda Bakaal, laanta Suuq Bacaad.

Markii falkaaan dhacay waxaa goobta gaaray booliska Soomaaliya, waxaana labada meyd la geeyey xarrunta dembi barista CID, kadibna waxaa dib loogu wareejiyey qoyska, si ay aastaan.

Ninka dilka geystay oo baxsaday ayaa waxaa booliska Soomaaliya raadinayaa, iyadoo aan la ogeyn halka uu qabtay. falkaan ayaa noqday mid naxdin ku abuuray dad deriska la ahaa qoyska dhibka loo geystay.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.