Muqdisho: Sarkaal milateri ah oo qarax lagu dilay

Mareeg.com: Gaari yar oo ay wateen askari ka tirsan milateriga Soomaaliya ayaa maanta ku qarxay meel ku dhow isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaan oo ahaa mid lagu xiray gaariga ayaa waxaa ku geeriyooday sarkaal dhinaca saadka u qaabilsanaa guutada 5-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, waxaana ku dhaawacmay sakari kale oo la socday.

Qog goojgooge ah ayaa warbaahinta u sheegay in markii gaarigu uu qarxay ay arkeen labo nin midi dhaawac yahay oo ka boodaya gaariga iyo nin meyd ah oo gaariga dhex yaalla.

“Gaari ay wateen ciidammo milateri ah ayaa qarxay mar uu doonayay inuu ka leexdo meel ku dhow isbitaalka Masaarida oo u dhexeeya Tarabuunka iyo isbitaalka Digfeer, waxaa dhintay sarkaal, waxaana dhaawac isha ka gaaray darwalkii gaariga oo isaga iyo nin kale oo fiyow ay gaariga ka boodeen” ayay tiri haweeney goobta ka ag-dhaweyd oo warbaahinta la hadashay.

Gaariga ayaa la sheegay inuu ka yimid dhanka degmada Afgooye, iyadoo sarkaalka la dilay magaciisa lagu sheegay C/llaahi Siyaad.

Weli ciidamada milaterigu kama hadlin dilka sarkaal, waxaase goobta tegay ciidamada amaanka oo ku guda jira baaritaan la xiriira sida qaraxu u dhacay.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245