Muqdisho: Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo ku dhaawacmay weerar lagu khaarijin rabay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo ku dhaawacmay weerar lagu khaarijin rabay

Mareeg.com: Sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa maanta ka badbaaday isku day dil kadib markii kooxo hubeysan oo gaari watay ay ku werareen isagoo marayey Xaafada Carwa Idko ee Degmada Howl-Wadaag ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in rag hubeysan ay rasaas ku fureen sarkaal katirsan ciidanka Daraawiishta oo magaciisa lagu sheegay Bashiir Yare, waxaana rasaasta lagu furay sargaalka kasoo gaaray dhaawac.

Raggii weerarka geystay oo isku dayay in ay baxsadaan ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen ciidamo kale oo katirsan kuwa dowlada Soomaaliya oo ka agdhawaa goobta.

Wararka ayaa sheegaya in kooxihii weerraka fuliyay ay ka carareen gaarigii ay wateen ayna dhinaca Wardhiigley ula baxsadeen nin kaga dhaawacmay is rasaaseynta dambe.

Ciidamo ka tirsan dowlada ayaa la sheegay in ay baadi goob ugu jiraan xoogagii weerarka ku qaaday sargaalka katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya, inkastoo aan la sheegin cid ay soo qabteen.

Dhawaan ayay aheyd markii afar qof oo dhamaantood ka dhaqeynayey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho lagu dilay agagaarka Isgoyska KM4 ee Muqdisho.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!