Muqdisho: Rasaas Sida Hoonka Loo Adeegsaday Oo Isgoyska Zobe Ku Dishay Wiil Caseeye Ah

Muqdisho, November 10, 2013: Rasaas uu riday askari ilaalo ka ahaa gaaari hubeysan ayaa maant agagaarka Isgoyska Zobe ee magaalada Muqdisho ku dilay wiil yar oo ah kuwa kabaha caseeya ama baalasha.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Mareeg.com in dilkaani dhacay kadib markii wadada ay xireen gaadiid farabadan oo waayey meel ay kala maraan, xilligaasoo nin kasoo degay gaari hubeysan uu riday xabad, taasoo haleeshay wiilka yar oo goobta ku geeriyooday.

Isgoyska Zobe ayaa ka mid ah goobaha ugu ciriirga badan xaga gaadiidka, waxaana goobjoogayaashu sheegayaan in ninka xabadda riday uu doonayey inuu rasaasta ku furto wadada oo gaadiid badan isku xirmeen.

Markii dilkaasi dhacay ayaa waxaa goobta ka bilwoday debadbax looga horjeeday dilka wiilkaas, iyadoo gaarigii uu la socday ninka rasaasta riday uu goobta ka tegay.

Booliska Soomaaliya oo goobta soo gaaray ayaa mar dambe dadka tusay nin jeebeysan oo ay sheegeen inuu yahay ninkii riday xabadda wiilka ku geeriyooday, si ay u qaboojiyaan debadbaxa oo laga cabsaday inuu rabashado xoog leh abuuro.

Rasaasta lagu furto waddooyinka ayaa laga dhaxlay maleeshiyaadkii hogaamiye kooxeedyada, waxaana inkasoo Muqdisho iminka meelaha qaar ay ka howlgalaan ciidamo taraafiko ah hadana weli ka jira rasaasta hoonka laga dhigayo ee jidadka lagu furto, taasoo mararka qaar dhibaato keenta.

Ma cadda in ninka rasaasta riday uu ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya ama uu ka mid ahaa ilaalada shirkadaha iyo hay’adaha gaaarka ah ee heysta ciidamada hubeysan.

Mareeg.com