Muqdisho: Qarax gaari oo lagu dilay gudoomiye waaxeed degmo

Mareeg.com: Gudoomiye Waaxeed ka tirsan degmada Wardhiigley ayaa lagu dilay qarax loogu xiray gaarigiisa.

Gudoomiye Waaxeedka la dilay ayaa waxaa lagu magacabi jiray Xuseen Dooli, wuxuuna ahaa Waaxda Shanaad ee degmada Wardhiigleey.

Qaraxa ayaa la sheegay in Garigiisa loogu Xiray, waxaana uu ka dhacay inta u dhaxeeysa Isgoyska Cali Kamiin iyo Furayaasha ee degmada Wardhiigleey.

Gudoomiyaha Wardhiigleey, Yaasiin Nuur Ciise ayaa xaqiijiyey geeyrida Dooli, kaas oo xalay lagu qarxiyey magaalada Muqdisho.

Qaraxayada lagu xirayo gawaarida ayaa kusoo badanaya magaalada Mqudisho, waxaana qaraxyada nuucaas horay Alshabaab ugu dileen mas’uuliyiin badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245