Muqdisho oo lagu soo bandhigay Nin Bambaano Khasaaro geesatay ku tuuray Suuqa Bakaaraha * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho oo lagu soo bandhigay Nin Bambaano Khasaaro geesatay ku tuuray Suuqa Bakaaraha

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa xalay xarunta Dambi Baarista CID-da ee magaalada Muqdisho kusoo bandhigay nin la sheegay in shalay galinkii dambe bambaano ku tuuray goob ay joogeen ciidamo katirsan Dowlada oo kutaala Suuqa Bakaaraha.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Axmed Carab ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen nin Al Shabaab katirsan oo Bambaano ku tuuray Suuqa Bakaaraha, waxa uuna xusay in ninkan uu qirtay in uu katirsan yahay Al Shabaab falkaasna uu ka dambeeyay.

Waxa uu xusay Afhayeenka in ninkan baaritaan dheeraad ah lagu sameyn doono, waxa uuna tilmaamay in gacamihiisa lagu arkay astaamaha in uu isagu ka dambeeyay bambaanada shalay galinkii dambe Suuqa Bakaarahga lagu tuuray.

Ninkan laamaha amaanka kusoo bandhigeen xarunta CID-da Muqdisho ayaa magaciisa lagu sheegay Xasan Axmed Cismaan, waxaana ninkan lagu wareejiyay Dambi baarisa Ha’ada Nabad sugida sida aan wararka ku helnay si baaritaano dheeraad ah ugu sameeyaan.

Qaraxa bambaano ee lagu eedeenayo in uu ka dambeeyay ninkan ayaa shalay lagu tuuray gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan goob ay ciidamada dowlada joogeen, waxaana bambaanadan ku dhintay labo qof halka tiro kalana ay ku dhaawcameen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!