Muqdisho: Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa muddo 22 sano ah kadib yeelaneysa leyrarka loo yaqaano Samaafaraha ee kala haga socodka gaadiidka.
Maamulka Gobolka Banaadir iyo taliska ciidamada Nabadgelyada Waddooyinka Muqdisho ayaa soo bandhigay Leyrarka kala haga gaadiidka iyo dadweynaha, kuwaas oo si tijaabo ah loogu xiri doono Waddooyinka caasimadda.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay Nalalka Kala haga gaadiidka ee loo yaqaano Samaafaraha kaasoo ku shaqeeya ileyska cadceeda.
Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf oo ka hadlay munaasabadii lagu soo bandhigayay Nalalkaasi ayaa sheegay in nalalkan uu maamulka gobolku soo iibsaday, balse aan deeq ahaan loogu keenin.
Afhayeenka ayaa xusay in nalalka hadda la keenay ay gaarayaaan ilaa 30 xabo oo tijaabo ah, islamarkaana saraakiisha ciidamada Taraafikada iyo duqa magaalada Muqdisho ay isla qorsheyn doonaan isgoysyada ugu haboon ee sida tijaabadaha loogu sii xirayo.
Taliyaha ciidamada Nabadgelyada waddooyinka Gen. Cali Xirsi Barre “Cali Gaab” ayaa soo dhaweeyay samaafaraha sida tijaabada maamulka gobolku u keenay, wuxuuna xusay iney wax weyn ka tari doonaan nidaamka maridda wadooyinka dadka iyo gaadiidka.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa aad ugu soo batay gaadiidka yaryar, taasoo kala hagidooda ay dhibaato weyn ku qabaan ciidamada tirada yare e Taraafikada ah ee ka howlgala magaalada Muqdisho.
Leyrarka ku shaqeeya ileyska qorraxda ayaa horay loogu xiray qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho, iyadoo qaar kalana hadda weli la wado, hase ahaatee magaalada Muqdisho horay uma jirin hal Isgoys oo leh samaafare.
Mareeg.com