Muqdisho: NISA oo Bakaaraha ka qabatay nin lagu sheegay sarkaal Alshabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: NISA oo Bakaaraha ka qabatay nin lagu sheegay sarkaal Alshabaab

Mareeg.com: Howlgal ay Ciidanka Nabad sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ay ka sameeyeen Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo qabtay nin la sheegay inuu yahay sarkaal ka tirsan Ururka Alshabaab oo dagaal kula jora dowladda Soomaaliya.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda, Sarkaalkaan oo aan weli magaciisa la shaacin ayaa laga soo qabtay hotel uu ka deganaa Suuqa Bakaara ee magaalada Muqdisho.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay in ninkaan horay madaxiisa loo dul dhigay dhaqaale fara badan islamarkaana lagu daba jiray in mudda ah. Nabadsugidda ayaa sheegtay in ninkaan lala qabtay rag kale.

Sarkaalkaan la sheegay inuu Alshabaab ka tirsanyahay oo aan magaciisa iyo sawirkiisa aan la soo bandhigin ayey hay’adda nabadsugiddu sheegtay iney waqti dhow u soo bandhigi doonto shacabka.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!