Muqdisho: Nin iska jaray xubintiisa taranka oo ku geeriyooday isbitaalka Madiina

Mareeg.com: Waxaa axadii Muqdisho ku geeriyooday wiil lagu magacaabo Saalim Bille Xersi, ka dib markii uu saddex toddobaad ka hor uu iska jaray xubintiisii taranka.

Saalim oo xagga maskaxda ka xanuunsanaa, ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Madiina oo maalmihii lasoo dhaafay lagu daweynayey.

Sida ay aaminsanyihiin ninkaan, wuxuu Saalim u geeriyooday daryeel la’aan, iyagoo sheegay in waxba looga qaban waayay goobaha caafimaadka ee Muqdisho, loona baahday in loo qaado caafimaad dibadda ah.

Zamzam Maxamed oo ka tirsan ehelada marxuum Saalim ayaa xustay in ninkaasi uusan helin taageeradii uu doonaayay, ugu dambeyna uu geeriyooday.

Ehelada ninkaan geeriyooday ayaa sidoo kale qaba in dowladda Soomaaliya, aysan ka jawaabin codsi kaga yimid hooyada dhashay marxuumka oo lagu magacaabo Ardo C/laahi Colaad, taa oo ka codsatay in caafimaad dibadda ah loogu qaado.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245