Muqdisho: Nin lagu dilay qarax lagu xiray gaari uu watay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Nin lagu dilay qarax lagu xiray gaari uu watay

Mareeg.com: Qarax ka dhacay Wadadada Makka Almukarrama jihada degmada degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca labo kale.

Qofka dhintay ayaa ahaa wadahii gaariga qarxay, waxaana loo maleynayaa in qaraxu ahaa mid si qarsoodi ah loogu xiray gaariga.

Qaraxa ayaa ahaa mid lagu xiray gaari nooca yar yar ah oo uu saarnaa mid ka mid ah Shaqaalaha shirkad duulimaad oo lagu magacaabo Dhayman, taas oo magaalada Muqdisho ka howlgasha.

Qaraxa ka dib ayaa goobta waxaa gaaray ciidamada dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa saldhiga degmada Hodon oo uu horkacayo Taliyaha saldhigaasi Maxamed Daahir.

Maxamed Daahir ayaa saxaafadda u sheegay in qaraxaan ay ka dambeeyaan sida uu sheegay Al-shabaab, waxaana uu tilmaamay in qofka lala eegtay qaraxaan uu ahaa shacab.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!