Muqdisho: Nabadsugida Gobolka Banaadir oo amar ku xirtay Radio Kulmiye * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Nabadsugida Gobolka Banaadir oo amar ku xirtay Radio Kulmiye

Mareeg.com: Taliska Hay’adda Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa saaka amar ku bixiyey in la xiro oo hwada laga saaro Radio Kulmiye oo ka mid ah idaacadaha ka howlgala Muqdisho.

Burhaan Diini Faarax oo ah Agaasime Kuxigeenka Radio Kulmiye ayaa sheegay in Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ay amartay in Idaacada hawada laga saaro, waxaana sidoo kale Xarunta Hay’adda Nabadsugida looga yeeray Maamulka Idaacada Kulmiye.

Ilaa hada lama oga ujeedka Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ay u xireen Warbaahinta Kulmiye, waxaana sidoo kale Xalay la xiray Idaacada SIMBA iyo Wariyaal u shaqeenayay.

Radio Kulmiye ayaa saaka wareysi ka qaaday Maaddaxa barnaamijyada Radio SIMBA, Xasan Maxamed Samatar, kaasoo sheegay in ciidamada Nabad Sugiddu qalab ka qaateen idaacadda markii ay xalay xirayeen Radio-gaas.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.