Muqdisho: Meydka gabar laga helay meel ka mid ah Xeebta Liido

Read Time:45 Second

Mareeg.com: Waxaa saaka xeebta Muqdisho, gaar ahaan meel u dhow Liido lagu arkay meydka qof dumar oo loo badinayo iney badda ku dhimatay.

Meydka qofka dumarka ah ayaa la dhigay Isbitaal ku yaala degmada Xamar-weyne, iyadoona aysan jirin cid aqoonsatay meydka gabadhaasi.

Dhaqtar kamid ah kuwa Isbitaalka IQAR oo meydka gabadha la geeyay ayaa sheegay in meydka ay Isbitaalka keeneen 5 wiil oo dhalinyaro ah, kuwaas oo goobta iskaga tagay.

Meydka gabahdaas ayeysan ka muuqan wax dhaawacyo ah, balse waxaa loo maleenayaa in labiyo cabsiiyay gabadha ama ceego lagu dilay.

Maamulka Isbitaalka ayaa sheegay in la aqoonsan waayay meydka gabadha, waxaana uu codsaday in dadkii gabari ka maqantahay ay lasoo xiriiraan Isbitaalka.

Maamulka degmada Cabdi Casiis wali kama hadlin arrintaan ku aadan meydka gabadha saaka laga soo qaaday Xeebta Liido ee degmadaas.

Mareeg Media ma faafineyso sawirrada meydka gabadhaas maadaama warbaahinta soo sawirtay aysan dhowrin xushmadda meydka.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.