Muqdisho: Maxkamadda Ciidamada Oo Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Askari Ilaalo U Ahaa Gudoomiye Degmo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Maxkamadda Ciidamada Oo Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Askari Ilaalo U Ahaa Gudoomiye Degmo

Muqdisho, Mareeg.com: Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay askari ka tisrnaa ciidamada dowladda Soomaaliya, kaasoo ka tirsanaa ilaalada gudoomiyaha degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Askarigan xukunka dilka ah lagu fuliyay waxaa lagu magaacabi jiray, Maslax Ciise Iimaan, waxaana horay loogu xukumay dil kaddib markii lagu helay inuu degmada Howlwadaag ku dilay qof shacab ah oo aan waxba galabsan.

Gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Col. Liibaan Cali Yaroow ayaa ka hadlay goobta lagu fuliyey dilka toogashada ah, wuxuuna sheegay in askariga la toogtay uu horay u dilay qof shaca ah, sidaasna loogu xukumay dil toogasho ah.

Liibaan Cali Yaroow oo sii hadlayay ayaa sheegay in askari walba oo dil u geysta dad shacab ah iyo cid walba oo dil geysata ay mudan doonto xukun kan la mid ah, isagoo xusay in askar badan oo dilal ku xukuman dhawaan ay ku fulin doonaan xukunnada dilka ah.

Waa askarigii ugu horeeyeey ee maxkamadda ciidamadu dil toogasho ah ku fuliso sanadka cusub ee 2014 oo maalmo kooban ka baxeen.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!