Muqdisho: Madaafiic La Maqlay Iyo Maamulka Gobolka Banaadir Oo Yiri Waa Macmal * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Madaafiic La Maqlay Iyo Maamulka Gobolka Banaadir Oo Yiri Waa Macmal

Muqdisho – Mareeg.com: Ilaa 5 madfac ayaa xalay fiidkii ku dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo aan la ogeyn halka madaafiicadaas laga soo riday.

Meelaha laga maqlay jugta waxaa ka mid ah degmooyinka Warta-Nabadda iyo Xamar-weyne ee gobolka Banaadir, lamina sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay jugta la maqlay.

Gudoomiye kuxigeenka dhanka Amniga ee Maamulka Gobolka Banaadir Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo ka hadlay jugtii xalay la maqlay ayaa sheegay in waxa dhacay ahaayeen madaafiicdii dheemish ah, oo aan geysan wax khasaare ah.

Warasme Joodax ayaa dhanka kale sheegay in qaraxyada la maqlay mid ka mid ah ka dhashay miino lagu xiray gurri ay deganaayeen carruuta xildhibaan ka tirsan baaarlamaanka Soomaaliya.

“Madaafiicdii xalay soo dhacayay waxay ahaayeen kuwo dheemish ah, oo aan wax qasaare haba yaraatee geysan, waxaa jirtay miino lagu xiray guri ay degenaayeen caruur uu dhalay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo burburay gidaarkii guriga” ayuu yiri Warsame Joodax.

Wuxuu sheegay Warsame Joodax inay jiraan kooxo doonaya inay qal qal geliyaan ammaanka magaalada, wuxuuna markale ku hanjabay iney gacan bir ah ku soo qaban doonaan.

Todobaaadkii hore ayaa madaafiic sidaan oo kale xili habeen ah loogu riday Muqdisho waxaa taliska booliska Soomaaliya ku tilmaamay kuwo macmal ah oo ah nuuca lagu tababarto.

Maalintii talalaadada ee 11-kii bishaan ayaa ka hor intaan qorraxdu dhicin koox ka tisan Alshabaab weerar ku qaadeen saldhiga ciidamadaq AMISOM ki leeyihiin dhismaha Warashadda Barafuunka Isgoyska SOS ee magaalada Mqudisho.

Sidoo kale, shalay waxaa dalka lagu faafiyey warar gilgilay dowladda Soomaaliya iyo shacabka, kuwaasoo ahaa inuu geeriyooday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo booqasho aan rasmi aheyn ku jooga dalka Turkiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli maaro u la’ arrimaha amaanka, waxaana mar kasta madaxda dowladda laga maqlaa hanjabaado loo jeedinayo dad qalqal gelinaya amaanka dalka.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!