Muqdisho: Maareeyaha duulista hawada oo isku day dil ka badbaaday

Mareeg.com: Maareeyaha hay’adda duulista iyo saadaasha hawada Soomaaliya ayaa saaka lagu dhaawacay weerar la rabay in lagu khaarijiyo asaga.

Rag hubeysan oo saarnaa gaari ayaa rasaas ku furay gaariga Cali Maxamed Ibraahim (Cali Madoobe) oo marayay degmada Wadajir xilli uu sarkaalka u socday xafiiskiisa. Waxaa weerarka ku dhintay darawalkiisa iyo askari ka tirsanaa ilaaladiisa.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Saciid Jaamac Cali Qorsheel ayaa sheegay inay wanaagsan tahay xaaladda Cali Madoobe, laguna daaweynayo isbitaalka AMISOM ee ku yaalla xarunta Xalane.

Wasiirka wuxuu sheegay in labo xabbadood ay ku dhacday sarkaalka. Dableyda ayaa lagu soo warramayaa inay ku baxsatay gaarigii ay saarnayd. Lama garanayo cidda iyo sababta ka dambeysa weerarka lagu dhaawacay sarkaalka.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245