Muqdisho: Labo gabdhood oo lagu dilay degmada Dharkenyley * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Labo gabdhood oo lagu dilay degmada Dharkenyley

Mareeg.com: Dabley aan la garaneyn oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa saakay Xaafada Suuq Boocle ee degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ku dilay labo gabdhood oo warar kala duwan kasoo baxyaan cidda ay ahaayeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in i2 dhalinyaro ah ay labada gabdhood oo xirnaa Indho Shareer kala dageen Mooto Bajaaj, kadibna ay dhulka ku toogteen.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya waxa ay ahaayeen gabdhahan saakay la dilay, wararka qaar ayaa sheegaya in ay gabdhahan ay ushaqeenayeen dowlada Soomaaliya, inkasoo aysan wali jirin cid xaqiijin karta arintaasi. Warar kale ayaa sheegay in gabdhahaani dhiganayeen Jaamacad.

Markii dilku dhacay kadib ayaa waxaa goobtaas gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, inkastoo aan la sheegin cid ay soo qabteen, welina laamaha amaanku kama hadlin falkaad dilka ah.

Ma aha markii ugu horreysay ee Muqdisho lagu dilo dumar, iyadoo dilka dumarku uu caadi ka coday caasimadda.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More