Muqdisho: Labo ka tirsan ciidamada Taraafikada oo lagu dilay Isgoyska Dabka

Muqdisho: Mareeg.com: Dabley bastooladu ku hubeysan ayaa labo ka mid ah ciidamada ilaalada waddooyinka maanta ku dilay Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ka mid ah jidka Maka Almukarrama oo aad loo ilaaliyo, aanana wax badan ka fogeyn saldhiga booliska degmada Waabari.

Taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka Soomaaliya Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo warbaahinta la hadlay aya xaqiijiyey in rag bastooladu watay ay toogten labo ka mid ah ciidamada ilaalada waddooyinka.

“Waxaa la dilay labo ka mid ah ciidamada ilaalada wadooyinka, waxaana dilay qolooyinka bastooladah wax ku dili jiray, waxaan ku dedaaleynaa sidii aan usoo qaban laheyn” ayuu yiri Cali Gaab.

Dhanka kale, dabley kale oo bastooladu watay ayaa askari ka tirsan milkateriga Soomaaliya ku dilay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa.

Sida ay sheegayaan goobjoogayaal ku sugan Suuqa Xoolaha, raga dilka geystay ayaa la baxsaday qorigii uu watay askariga ay dileen.

Ciidamo farabadan ayaa gaaraay goobta askariga lagu dilay kuwaasoo isugu jiray milateri iyo nabadsugid, waxeyna xirxireen dad dhowr ah.

Madaxa Alshabaab u qaabilsan gobolka Banaadir, Cali Maxamed Xuseen oo shalay la hadlay warbaahinta ururkiisa ayaa ku hanjabay iney Muqdisho ka geysan doonaan weeraro dheeraad ah marka ay bilaabato bisha Ramadaan.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245