Muqdisho: Jamciyad taageerta ardayda danyarta ah oo waxqabad muujisay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Jamciyad taageerta ardayda danyarta ah oo waxqabad muujisay

Muqdisho – Mareeg.com: Munaasabad lagu xusayay sanad guurada koowaad ee ka soo wareegtay markii la aas aasay Jimciyadda Gargaarka, Waxbarashada iyo horumarinta Soomaaliyeed ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan “SOHEDA” oo ah jimciyad aan dowli ahayn ayaa lagu qabtay hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasare ku-xigeen ahna Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Ridwaan Xirsi Maxamed, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta, Yuusuf Xeyle Jimcaale, Guddoomiyihii hore ee gobolka benaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”, odoyaal, siyaasiyin, qaar ka mid ah waalidiin, arday Jamciyadaas waxbarashada ka bixiso iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn waxaa munaasabadda ka hadlay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Xeyle Jimcaale oo ka mid ah aas aasayaasha Jimciyadda ayaa sharaxaad ka bixiyay waxqabadkii Jimciyadda, isagoo sheegay in arday gaaraysa 700 ay ku wareejiyen iskuulaadka sida gaarka ah loo leeyahay, iyagoo lacagaha ay ardaydasi wax ku bartaan ay bixiso Jimciyadda SOHEDA, waxaana uu intaa ku daray inay sii wadayaan dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada carruurta agoonta ah iyo kuwa ka soo jeeda qoysaska danta yar.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” oo isna munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in Jimciyaddu ay meeleeyeen 700  oo arday, taasi o uu ku tilmaamay inay tahay arrin horumar leh.

Xildhibaan Bashiir Caddow Calasow oo ka mid ah mudanayasha baarlamaanaka ayaa tilmaamay in ahmiyad gaar ah ay leedahay in waxbarashada carruur agoon ah iyo kuwa qoysaskooda aysan awoodin inay waxbarashada ka bixiyaan ay Jimciyaddu kafaala qaaday, waxaana uu xusay in Jimciyaddu ay mudantahay in lagu daydo.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta, Ridwaan Xirsi Maxamed soo xiray xafladda ayaa umahadceliyay dadkii lahaa fikirka lagu aas aasay jimciyadda, waxaana uu dalboolka ka qaaday in Xukuumaddu ay dhiirigelinyso tallaabooyinka loogu adeegayo bulshada, islamarkaana uu dhankiisa gacan ka geysanayo horumarinta waxbarashada carruurta agoonta iyo kuwa aan waalidiintooda awoodin in ay iskuulaadka sda gaar ah loo leeyahay ay geeyaan.

Jimciyada SOHEDA ayaa hada waxeysi buuxda gacanta ugu heysaa arday gaareeysa 772 araday kuwaas oo isugu jira agoon iyo danyar qoysas kooda aanu waxba heysan, waxa ay na Jimciyada hada deeq waxbarasho u heshay 381 arday.

Uuruka aan dowliga aheyn ee SOHEDA ee sanad kaliya jira ayaa ku guuleystay inuu Iskuullo geeyo oo lacagaha waxbarashada ka bixiyo boqolaal arday oo danyar ah, islamarkaana kazoo horjeeda beelaha la heeb sooco.

Faafin: Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!