Muqdisho: Isgoyso muhiim ah oo saaka howlgal laga sameeyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Isgoyso muhiim ah oo saaka howlgal laga sameeyey

Mareeg.com: Ciidamada Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Dowladda Soomaaliya, ayaa saaka howlgalo culus waxa ay ka wadaan wadooyinka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada dheer ee loo yaqaan Maka Al-Mukarama iyo wadooyin kale.

Ciidan ka tirsan Hay’adda NISA oo wajiyada ay u duuban yihiin, ayaa saaka lagu arkay wadooyin iyo isgoyso farabadan, waxeyna baarayaan gaadiidka kala duwan.

Howlgalka baarista ah ayaa wuxuu ka socdaa Isgoysyada Sayidka, Dabka, Shaqaalaha, KM4 ilaa Banaadir.

Isgosyka Banaadir waxaa si gaar ah loogu baarayaa gaadiidka ka yimaada dhanka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada amaanka ayaa dab badan gaadiid kala degay, kuwaasoo loo badinayo iney ka shakiyeen.

ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna R/Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte oo shalay ka hadlayay Falalka amni dari ee ka dhaca Muqdisho ayaa faray laamaha amniga in ay feejignaan badan muujiyaan kana hortagaan falaka argagaxisadu maleegayso sida uu ku yiri war saxafaadeed u soo saaray.

“Falalka Argagaxisano ee Nabad diidka sameynayaan nagama niyad jabin doonaan inaan Cirib tirno” sidaa waxaa yiir Maxamed Cumar Carte.

16-kii bishaan ayaa Isgoyska KM4 lagu dilay 4 qof oo ka shaqeynayey garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo mid ka mid ahaa Maarey ku xigeenka garoonka Aadan Cadde.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!